Madaxweynaha JFS, Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka codsaday Baarlamaanka JFS inay fasaxooda dib u dhigaan muddo bil ah si ay u ansixiyaan Xeerka Doorashooyinka Qaran. Hadaba aynu eego qaarka ka mid ah qodobada ku qoran hindisaha xeerkaan.
Qodobka 11aad: Nidaamka Doorashooyinka Dalka.
4. Doorashadu waxay ka dhacaysaa meel walba oo ay suuragal ka tahay dalka.
Qodobkaan wuxuu awood u siinayaa Guddiga Doorashooyinka inay ka boodaan degaanada qaarkood.
Qodobka 14aad: Doorashooyinka Aqalka Sare ee BFS.
7. Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ee Soomaaliland waxay ka dhacaysa magaalo madaxda Muqdisho, waxaana dooranaya dhammaan cod-bixiyeyaasha ee ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.
Qodobkaan wuxuu ka tarjumayaa sida uusan dalku uugu diyaarsaneyn doorasho qof iyo cod, maadaama Xildhibanadii Somaliland magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.
Qodobka 35aad : Shuruudaha doorashada Madaxweynaha.
2. Murashax kasta ee u tartamaya doorashooyinka madaxtooyada heerka Dowladda Federaalka:
a. Waa inuu JFS ku noolaa muddo laba sanadood ka hor murashaxnimadiisa;
b. Waa inuu ka tanaasulaa haysashada jinsiyad kastoo kale oo aanan ahayn midda JFS;
c. Waa in shantii sano ee u dambeysay murashaxnimadiisa horteed aanu ku dhicin xukun ciqaab oo ay maxkamadda awoodda u lihi si kama-dambeys ah ugu ridday; iyo
d. Waa inuu iska casilaa 6 billood ka hor xil fulin oo dowladeed uu hayo ka hor gudbinta murashaxnimadiisa marka laga reebo Madaxweynaha xilka markaasi haya.
Qodobkaan wuxuu hawada ka saaray, oo uusan u ogolaan doonin inay ka qeyb qaataan doorashada soo socota ee madaxweyne ee dalka sanadka 2026-ka, shaqsiyaad uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo.
Waxaa isweydiin mudan sida ay macquul ku tahay in madaxweynihii uu xilka ka qaaday, hadii xeerkaan uu dhaqan galo, uu ka mamnuucayo inuu u tartamo mar kale kursigii uu ka degtay 2022-kii, maadaama uusan ku nooleyn dalka gudihiisa.
By: Abdirahman Samawade.